Deni oo ciidanka iyo shaqaalaha u isticmaalaya siyaasad

Image
Image
Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan digniinaha laga bixinayo barnaamijka muddo kororsiga.

GAROWE, Puntland - Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu ku jiro duqa Garowe ayaa ka qeybgalay kulan koox dhalinyaro ah oo isku-heyb ah ay ku qabteen magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Kulankan oo ay sidoo kale kasoo muuqdeen shaqaale rayid iyo saraakiil ciidan ayaa la sheegay in lagu taageerayay doorashadda shakiga badan uu hareeyay ee goleyaasha degaanka.

Dastuurka Puntland gaar ahaan qodobkiisa 45-aad faqradda koowaad ayaa xeerinaya in shaqaalaha rayidka iyo ciidamadda ay mamnuuc ka tahay in ay ku milmaan siyaasadda.

Qodobka ayaa u qoran sidda tan: "Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka ahayan iyogarsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka".

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan ay gadaal ka riixeysay Madaxtooyadda Puntland gaar ahaan xafiiska madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo ujeedo kale ka leh barnaamijka dimuqraadiyeynta.

Dadweynaha iyo Ururadda Siyaasadda ayaa shaaca ka dhigay in Deni uu barnaamijkan ku hoos-qarinayo muddo kororsi taasoo ay ka digeen in ay keeni karto xasilooni darro siyaasadeed.

Barnaamijka qof iyo cod ayaa u muuqda mid aan socon karin maadaama sohdimeynta wasaarada arimaha gudaha soo saartay uu gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland ku tilmaamay "mid aan sharci ahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM