Deni oo darbiga soo taabtay xilli uu bilaabay boor-isku-qarin

Image
Puntland ayaa foollanaysa rabshado haddii aan kahor 8-da Janaayo laga heshiin masiirka doorashadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu sii dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay guddi uu sheegay in ay miiska wadaxaajoodka la fariisanayaan mucaaradkiisa.

Sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda Puntland, guddigan ayaa waxa ay mucaaradka kala hadlayaan khilaafka ka taagan doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka.

Guddigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa waxaa madax u ah Cabdi Faarax Siciid Juxa kaas oo ku magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Xubnaha dhameystiran ee guddiga ayaa ah;

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan Xubin.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku kala qeybsamay faalleynta magacaabidan guddigan. Qaarkood ayaa ku sifeeyay dhamaadka mashruucii qof iyo cod halka kuwa kale ay ku macneeyeen boor-isku-qarin.

"Waxa ay sidoo kale noqon kartaa in Deni uu darbiga soo taabtey uuna xaqiisadey in aysan dhaceyn doorasho toos ah wadahadalkana uga dhuumanayo waji gabax horleh," ayuu yiri midkood.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo illaa haatan mucaaradka Puntland ay kasoo saareen dalabka wadahadalka Deni ku dhawaaqay todobaadyo kahor wallow ay horey u sheegeen in ay diyaar u yihiin xal nabadeed.

Puntland ayaa foollaneysa isku-dhacyo iyo rabshado haddii aanan si rasmi ah looga heshiin masiirka doorashadda kahor 8-da Janaayo taas oo sidoo kale waji gabax ku noqoneysa habka xukun isku-wareejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM