Deni oo iclaamiyay wadahadal lagu xalinayo khilaafka federaalka

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Deni ayaa si cad ugu dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadallo dhab ah oo lagu falanqeeyo xaaladda Soomaaliya, si fagaare ah oo hufan, ayadoo ay goobjoog ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay inay maalgeliso wadahadalladaas, islamarkaana ay aqbasho dood adag oo lagu kala cadaanayo xaqiiqda—haddii ay Puntland ku saxan tahay mowqifkeeda waa in la aqbalo, haddii ayse khaldan tahay, waa in loo caddeeyo.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladda aan si dhab ah wax looga qaban, ay Soomaaliya qarka u saaran tahay in lagu kala tago, isagoo tusaale usoo qaatay Somaliland.

“Waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay inaan tallaab laga qaadin, waana dhaqan cusub oo soo kordhay oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo,” ayuu xusay.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM