Deni oo iclaamiyay wadahadal lagu xalinayo khilaafka federaalka

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Deni ayaa si cad ugu dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadallo dhab ah oo lagu falanqeeyo xaaladda Soomaaliya, si fagaare ah oo hufan, ayadoo ay goobjoog ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay inay maalgeliso wadahadalladaas, islamarkaana ay aqbasho dood adag oo lagu kala cadaanayo xaqiiqda—haddii ay Puntland ku saxan tahay mowqifkeeda waa in la aqbalo, haddii ayse khaldan tahay, waa in loo caddeeyo.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladda aan si dhab ah wax looga qaban, ay Soomaaliya qarka u saaran tahay in lagu kala tago, isagoo tusaale usoo qaatay Somaliland.

“Waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay inaan tallaab laga qaadin, waana dhaqan cusub oo soo kordhay oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo,” ayuu xusay.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM