Deni oo ka dagay Boosaaso xilli uu la kulmayo saraakiil Mareykan ah

Image
Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay siddey diyaarad gaar ah ayaa maanta ka degey garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

Inkastoo ay soo dhoweynta warbaahintu dibad joog ka ahayd haddana wararka ay heshay Garowe Online ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo la qaadan doono maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Deni Boosaaso ku qaabili doonaa saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo ay ka wada arrinsan doonaan howlgalka ay Puntland doonayso inay kusoo afmeerto kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Bari iyo Sanaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM