Deni oo kala qeybinaya ururada diidey doorashada halka dhinac ah

Image
Urur siyaasadeedka Mideeya ayaan wali ka hadlin faragelinta uga imaanaysa Madaxtooyadda Puntland.

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka dhiman tahay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay shirqool uu ku kala jabinayo ururadda siyaasadda ee ka hor-yimid qorshihiisa doorashada goleyaasha degaanka ee halka dhinac ah.

Deni ayaa dhex-galay urur siyaasadeedka Mideeye isla markaana waxaana "dhankiisa usoo wareegay xubno siyaasiyiin ah oo kamid ah ururkaas gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Nugaal".

"Qorshaha Deni wuxuu yahay in siyaasiyiintaas ay magaca Mideeye ku galaan doorashadda lagu muransan yahay ee uu u mudeeyay 25-ka bisha March gaar ahaan seejada Garowe kadibna uu sidaas uga been-abuurto in tartanka ay ururada siyaasadda la galeen," ayay sheegeen illo wareedyo.

Mid kamid ah siyaasiyiintan ayaa sameeyay page Facebook ah kaasoo lagu qoray magaca ururka Mideeye. Wararku waxay tibaaxayaan in bartan loo adeegsan rabo faafinta sawirrada iyo muuqaalada maalinta doorashadda si loo marin-habaabiyo dadweynaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa illaa hataan waxa uusan war rasmi ah kasoo saarin faragelinta xooggan ee uga imaanaysa dhinaca Madaxtooyadda Puntland.

Qaar kamid ah ururadda siyaasadda Puntland ayaa ka hor-yimid qaabka xukuumadda Deni u maareyneyso barnaamijka dimuqraadiyeynta waxaana ay sheegeen in uu madaxweynaha ka leeyahay ajandda qarsoon oo ah "muddo kororsi sharci darro iyo dastuur jabin ah".

"Madaxweynaha wuxuu u kala qeybinayaa ururadda siyaasadda si uu meesha uga saaro aragtida ah in doorashadda lagu muransan yahay isla markaana magaca Mideeye hadhow ugu daro ururadda tartamay kuna xalaaleeyo natiijada uu isagu sii og-yahay oo ah in uu ururkiisu guuleystay," ayay ku dareen illo wareedyadda lagu kalsoonaan karo.

Ururadda illaa haatan muujiyey in ay kasoo horjeedaan qorshaha Deni waxaa kamid ah Mideeye, Horseed, iyo garab kamid ah Shaqaalaha kuwaasoo ku baaqay in dib loo dhigo nidaamka dimuqraadiyadda "inta laga saxayo is-dabamarinta iyo ku shubashada xukuumadda".

Deni oo ka dhaga-fureystay baaqyaddaas gudaha iyo dibadda ayaa saraakiil ka tirsan xukuumadiisa u adeegsadey diiwaan-gelin juub=juub ah waxaana taas ay kaliftey in dadweynaha aysan usii bixin iyo in ay hoos-u-dhacdo kalsoonida ay shacabka ku qabi karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM