Deni oo kasoo dhex-hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhacayo ayaa khudbadiisa 1-da Luulyo ku wareejiyay afhayeenka Golaha Wakiilada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal-jeedintiisa munaasabadda 1-da Luulyo waxa uu u wakiishay guddoomiyaha baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Munaasabaddan oo ka dhacdey xarunta madaxtooyadda magaalada Garowe ayaa waxay u muuqatay mid uu Deni uga faa'iideystay in uu ku diro fariimo siyaasadeed isaga oo kasoo dhex-hadlay guddoomiye Jibriil.

Jibriil oo qiil u raadinaya dastuur furida aan heshiiska lagu ahayn ee sababtey dagaalka ay 30-ka qof ku geeriyoodeen ee ka dhacay Garowe ayaa ku goodiyey in aysan joojin doonin damacan ay ku doonayaan muddo kororsiga.

Siyaasiyiin uusan magacaabin ayuu ku eedeeyay in ay ka dalbadeen in uu xiro baarlamaanka. Hase ahaatee, waxaa xusid in Golaha Wakiiladda Puntland uu galayo sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa.

Deni oo gabagabadii xafladda hadlay ayaa waxa uu si cad u sheegay in hadal-jeedintiisa shirkan uu jeediyey guddoomiye Jibriil taas oo ay su'aal ka keeneen qaar kamid ah martidii xafladda iyo dadka daneeya siyaasada Puntland.

Doorashadda madaxtinimada Puntland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024-ka, waxaana haatan taagan qalalaase salka ku haya riyadda Deni oo ah in uu xkunka baaqi kusii ahaado.

Kadib markii uu guul darro kala soo laabtey doorashaddii madaxweynaha Somalia ee 2022-dii, Deni ayaa doonaya in uu xukunka sii joogo afarta sano soo aadan si uu mar kale isugu soo taago jagadda madaxtinimadda dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM