Deni oo ku baaqay in laga laabto qorshaha lagu qufayo qabuuraha Muqdisho

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan waxa uu ku sheegay furitaanka kal-fadhiga baarlamaanka Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 54-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Deni ayaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd uga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha waxqabad ee u yaalla Xukuumadda.

Hogaamiyaha Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha Federaalka isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in laga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha magaaladda Muqdisho.

Maamulada SSC Khaatumo iyo Somaliland ayuu ugu baaqay in ay illaaliyaan nabadgelyada Bulsho ee dhexdooda ah, oo la joojiyo Colaada beelaha iyo bulshada wada degta iyadoo maamul kasta lagu ixtiraamayo deegaankiisa uu Maamulo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayuu ku waaniyay in la ixtiraamo maytida oo dib looga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid , Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Garsoorka, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Madaxtooyo, Isimada Dhaqanka , Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM