Deni oo talaabo u qaadey fulinta balanqaad uu horey u sameeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Daahfurkan barnaamijkan ayaa ka dhacdey hoolka shirarka ee Madaxtooyadda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay tababarada shaqaalaha Dowladda wejigiisa koowaad oo loo qabanayo 100 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee kala duwan.

"Waana markii ugu horeysay Soomaaliya oo Shaqaale intaasi leeg lagu tababarayo xarumo Dowli ah oo Gudaha dalka laga hirgeliyay," ayay tiri Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Tababarka waxaa iska kaashanaya Macadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya, sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

"Qorshan oo xarumaha ay khuseyso ay kala soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayaa ka midyahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee tayeynta Shaqaalaha," ayay raacisay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa intii uu Xafiiska joogay ahmiyad gaar ah siiyay Shaqaalaha, waxaana lagu sameeyay dib-u-habeyn, tirakoob iyo Mushaharaad kordhin loo sameeyay".

"Hore Waxaan dib-u-habeyn ugu sameynay, oo tababar iyo tayeyn lagu sameeyay ciidanka Iyadoo xarumo lagu tababaro aan ka sameynay Gobollada kasoo billow Gaalkacyo illaa Badhan, hadda tallabaada labaad waa in aan tayeyno Shaqaalaha Dowladda oo ay helaan tababar xirfadooda kor loogu qaadayo," ayuu yiri Deni.

Munaasabadda oo ka dhacday hoolka shirarka ee Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Xubnaha Golaha Wasiirada qaar ka mid ah, Agaasinka Machadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland, Macalimiinta Tababarka bixinaya oo ka socda Machadka Tababarka ee Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya iyo Shaqaalaha Tababarada la siinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM