Deni oo u kuurgalay saameynta Isbedelka Cimilada ee Godobjiiraan

Image
Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii xal waara loogu raadin lahaa Bacaadka guuraya.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo booqasho ku jooga degmada Godobjiiraan ayaa saaka u kuurgalay saameynta Isbedelka Cimiladu ku yeelatay Degmada, wuxuuna booqday Bacaadka Guura ee ku habsaday deegaano ka tirsan Degmada Godobjiiraan iyo Beeraha Degmada oo mar ka mid ahaan jiray beeraha ugu wanaagsan ee ay kasoo go’i jirtay Digirta (Cambuulada) oo hada abaar ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo labaduba ka mid ah safarka Madaxweynaha, wuxuuna soo jeediyay in la dardargeliyo qorshaha Dowladda ee wax ka qabashada saameynta Isbedelka cimilada iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqo leh maadaama arrintani tahay mid heer caalami ah oo Adduunka dhan la tacaalayo.

Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii xal waara loogu raadin lahaa Bacaadka guuraya ee ku habsaday deegaano ka tirsan Degmada Godobjiiraan iyo sidii loo horumarin lahaa beeraha oo Degmadu caan ku aheyd xagga wax-soo-saarka Beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM