Deni oo weerar afka ah si dadban ugu qaadey Villa Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Gadowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka.

Sidoo kale, waxaa kasoo muuqdey Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd.

Dhanka kale, Deni ayaa waxa uu si dadkan weerar dhanka Afka ah ugu qaadey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku eedeeyay jebinta sharciyada dalka.

"State-hebel markaan Doorasho magelayee hal sano ayaan siiyey, Labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellaya, waxay la micno tahay , sharciyada oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan," ayuu tibaaxay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo hogamiyeyaasha ay ku heshiiyeen muddo kororsi dadban ama aanan waqti rasmi lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM