​Dhagaweyne "Garoonka Diyaaradaha Galkacyo lama qabsan"

Image

GALKACYO, Puntland- Maareeyaha Guud ee Garoonka diyaaradaha Galkacyo Siciid Cabdiraxmaan Yusuf Dhagaweyne ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamo Kumaandoos ah oo katirsan dowladda Federalka Somalia lawareegeen gacanta ku haynta madaarka islamarkaana hakad galiyeen dulimaadyadii ka bixi jiray.

Dhagaweyne oo maanta Shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in warbaahinta fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu baahiyaan warar aan sal iyo raad lahayn islamarkaana aysan xigan dadkii howshaas u xil-saarnaa.

Wuxuu xusay inay gacanta ku hayaan garoonka islamarkaana shaqadiisu u socoto qaabkii caadiga ahaa isagoo intaasi raaciyay inaysan jirin baahi loo qabo ciidamo dheeraad ah.

Maareeyaha ayaa saxaafadda ka dalbaday inay dhex-dhexaad u noqdaann bulshada islamarkaana wixii ku saabsan madaarka Galkacyo isaga kala soo xariiraan waqti kasta.

Hadalka Dhagaweyne ayaa yimi waqti yar uun kadib markii warbaahinta qaybteed lagu daabacay in ciidamada Danad ee sida gaarka ah u tabo baran xalay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Galkacyo islamarkaana joojiyeen duulimaadyadii ka bixi jiray, kuwaasoo qorshahooda lagu sheegay inay sugi doonaan amniga gobolka Mudug islamarkaana la dagaalami doonaan Al Shabaab.

Ciidamada Danab oo si gaar ah u tabo-baran ayaa waxaa maalgaliya dalka Maraykanka kuwaasoo dhawr jeer oo hore howlgallo la fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM