Dhalinyaro dhaliishay wasaaradda waxbarashada Puntland

Image

17 December, 2015(GO)-Ardayda aragga naafadaha ka ah ee wax ka bartay dugsiga Indhoolayaasha Garowe ayaa ka hadlay baahiyahooda gaar ahaa qalabka waxbarashada, waxayna wasaaradda arrintaasi Puntland u qaabilsan ku dhaliileen ilowshaha kaalintooda..

Dhalinyarada oo lahadashay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inay u baahanyihiin agab waxbarasho iyo sidii ay ku heli lahaayeen waxbarasho Jaamacadeed, maadama qaybtooda hadda ku jiraan fasalka 4-aad.

Waxay sheegeen inay la sinnayn kuwa aragu u joogay isla markaan qalabkooda aan laga helin Somalia, sidaa darteed codsanayaan in loo hawlgalo qaabkii loogu heli lahaa waxyaabihii ka saacidi lahaa inay waxbartaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland oo wax laga weydiiyay eedda dhalinta ayaa tilmaamay inay gacanta ku hayaan qorashe lagu hormarinayo waxbarashada dhallaanka aragga naafada ka ah, isagoo tilmaamay inay ka saacidi doonaan dhanka dhismaha goobaha wax ku bartaan.

Tabashada dhalinta ayaa imaanaysa xilli aysan jirin door muuqda oo wasaaradda waxbarashada Puntland ka gaysato waxbarashada dadka naafadaha ah, halka ku mashquulsantahay ardada kale ee laxaadka EEBBE u dhammaystiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM