​Dhalinyaro ka shaqaynaysa Qurxinta Galkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dhalinyarada magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Bahda Saxaafada oo iskaashanayaa ayaa bilaabay olole lagu qurxinayo magaalada, taasoo ku salaysan fikir iskaa wax u qabso ah.

Dhalinyarada ayaa ajandahooda iskaashi ku bilaabay Calaamadin lagu samaynayo waddooyinka Galkacyo qaybtood si loo yareeyo Shililka Gadiidka.

Qaar kamid ah dadka magaalada Galkacyo ayaa soo dhaweeyay fikirkan oo dhalintu sheegtay inay wadayaan.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Mudug ee Dudmudug Jacfar Yuusuf Cabdale ayaa sheegay inay Qorshahan bilaabeen dhalinyarada oo kaashanayaa degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa dhankiisa tilmaamay inay soo dhawaynayaan in dhalinayrada ay ka qayb qaataan Bilic soo celinta xarunta gobolka Mudug.

Wadadii ugu horaysay ee maanta dhalinyaradu ay ka shaqaysay ayaa noqotay wadda Jaamac Biixi ee dhexmarta Xero Daraawiish.

Fikirkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan dhalinta gobolka Mudug ay waday barnaamijyo isku xir ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM