Dhalinyaro Shabaabnimo ku eedaysnaa oo xirriyadooda helay

Image

21 November, 2015(GO)-Waxaa maanta xorriyadoodii dib u helay afar dhalinyaro ku eedaysnaa inay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama dalka Somalia.

Maxkamadda dambiyada culus ee gobollada Bari ayaa ku dhawaaqday xukunka dhallinatan oo lagu kala magacaabo;

  1. Aadan Xuseen Cali oo 14 sano 
  2. Cali Maxamad Cali oo isna 14 sano jir
  3. Ismaaciil Axmad Xasan oo 15 sano jir
  4. Dable Maxamad Axmad Maxamad oo 20 sano jir ah.

Maxkamadda ayaa markay dhagaysatay eedaha loo haysto dhalinyarada iyo qareemada difaacayay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay go'aanka ka soo baxay.

Gudoomiyaha maxkamadda dambiyada culus ee gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan ee Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka, wuxuuna sheegay in dhallintan lagu waayay dambiga ku eedaysanaayeen oo X.L2 la dagaalanka Argagaxisada.

Dhaawan maxkamdda ayaa sii daysay dhalinyaro sidaan oo kale muddo u xirnaa kiis ku saabsan ka mid ahaanshaha ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM