Dhegeysiga dacwada Radio Sahan iyo dowladda oo mar labaad dib loo dhigey

Image

August 16, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa markii labaad muddo asbuuc gudihiis ah dib u dhigtey dhegeysiga dacwad u dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Idaacadda Sahan.

Dowladda ayaa August 12, 2015 kusoo eedeysey Radio Sahan  warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal degggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.

Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa kala ahaa sidan:

  1.  In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 
  2. In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 
  3. In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August.
  4. In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland. 

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuusan weli helin eedo macaquul ah oo ka dhan ah Radio Sahan, sidaas darteed kiiskaas dhegeysigiisa dib loo dhigay.

Qareenka u doodaya Radio Sahan ayaa sharci daro ku tilmaamay eedeynta dowladda, maadaama warbaahintu xor tahay, xaqna u leedahay in ay sheegto dhaliilaha dowladda.

Waa markii ugu horreysey taariikhda Puntland ee dowladdu maxkamad la tiigsato warbaahin madax bannaan, arrintaas oo dadku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM