Dhibaatada shirkadaha isgaarsiinta iyo biyaha ku haysaan laamiyada Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garoowe waxaa aad ugu soo badanaya dhibaatada ay shirkadaha bixiya adeegyada Isgaadhsiinta iyo biyaha la cabbo u geystaan waddooyinka laamiga ah ee lagu dhiso dhaqaalaha shacabka iyo deeqaha caalamku ku kaalmeeyo horumarinta Soomaaliya.

Laamiga wadnaha ah ee Garoowe iyo inta badan laamiyada laga hirgeliyey xaafadaha Garoowe ka kooban tahay waxaa laga tallaabiyey Fiilooyinka xambaarsan adeegyada isgaadhsiinta iyo tuubooyinka biyaha qaada, waxaana intooda badan ay ka tagaan marinkii la jeexay oo ciid lagu duugey ama ay ku shubeen daamir maalmo kadib shiilma.

Goobahaas waxaa ka dhasha inta badan burbur laamiga soo gaarey, halis soo wajahdey gaadiidka isticmaala laamiyada, turunturo ay kala kulmaan dadka lugaynaya iyo marinka oo mararka qaar isku bedeli kara biyo mareen laamigu ka jeexmo.

Shirkaduhu waxay fushadaan dantooda oo kaliya mana muuqato in lagula xisaabtamo inta badan dayaca ka dhasha laamiga ah burburka gaarsiiyaan, waxaana Injineero dhanka waddooyinka ah ii xaqiijiyeen in ficilada noocaan ah sababi karaan inuu soo gaabto cimrigii jiritaanka jidka maadaama mashiinada lagu jeexayo ay gaarsiinayaan qarax iyo dil-dillaac, kadibna laamigu uu u fagmi doono hab sahlan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM