Dhismaha garoonka Garowe iyo Jamacada Maakhir oo la bilaabayo

Image

July 30, 2015 (GO)- Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta lagu saxiixay heshiiska dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan.

Qandaraaska labadan mashruuc oo ay shirkado dhowr ahi ku tartameen waxa lagu daah furay isla magaalada Dubai, March 23,2015.

Labo shirkadood oo lagu kala magacaabo MITAK iyo CEC ayaa ku guuleystey qandaraaska. Shirkadda MITAK ayaa dhisi doonta garoonka diyaaradaha ee Garowe halka shirkadda CEC dhisi doonto Jaamacadda Makhir ee Badhan.

Bisha December ee soo socota ayey howsha dhismuhu si toos ah u bilaaban doonaan, waxayna socon doontaa muddo sanad ah.

Mashaariicdan oo muddo dheer laga soo shaqeynayey soona bilowday xilligii Madaxweyne Farole, waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday Dowladda Kuwait, iyadoo soo marsiineysa hay'adda dhanka horumarinta dalkaas u qaabilsan ee Kuwait Fund.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM