Dhismaha golaha deegaanka Godob Jiiraan oo dib u dhacay

Image

January 5, 2015 (GO)- Dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha golaha deegaanka degmada Godob Jiiraan oo qorshuhu ahaa in todobaadkii lasoo dhaafay lasoo gaba gabeeyo.

Wafdi xildhibaano u badan oo bishii hore ee December tegey Godob Jiiraan ayaa dib ugu soo laabtey Garowe kadib markii hawsha dhismaha maamulka degmadaasi sidii loogu tala galay u socon weydey.

Khaliif Cabdulaahi Cumar oo kamid ah waxgaradka iyo odayaasha degmadaas ayaa Radio Garowe uga waramay sababta keentay dib u dhaca iyo meesha ay wax ka khaldameen.

Wuxuuna sheegay in sababta koowaad tahay khilaaf soo kala dhex galay beelaha deegaanka oo ku heshiin waayey sida loo qaybsanayo xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka.

Khaliif ayaa dhanka kale sheegay in guddi odayaal ah loo saaray sidii arintaas xal looga gaari lahaa, marka khilaafka jira lasoo afjarana loo guda geli doono soo xulista xubnaha golaha deegaanka kadibna doorashada maamulka degmada la qaban doono.

Bishii hore ee December waxaa goleyaal deegaan loo dhisay dhowr degmo oo ku yaalla gobolka Gardafuu ayna kamid ahaayeen magaalo madaxda gobolkaas ee Caluula iyo degmada Bareeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM