Dibadbax ka dhan ah Charlie Hebdo oo berri Bosaso ka dhacaya

Image

January 29, 2015 (GO)- Dibadbax lagu cambaareynayo sawir-gacmeedkii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamad (NNKH) ee lagu soo daabacay wargeyska Charlie Hebdo, ayaa lagu wadaa in gelin dambe ee beri oo Jimce ah uu ka dhaco magaalada Bosaso.

Dibadbaxa waxaa soo qaban qaabiyey guddi culimaa'uddiin ah, waxayna ugu baaqeen bulshada in garoonka lasoo camiro si loo muujiyo taageerada loo hayo Nebiga iyo weliba sida looga xunyahay aflagaadada loo geystey.

Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin: Muqdisho, Hargeysa, Galkacayo iyo Beledweyn ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo caynkan oo kale ah, sidoo kale waxaa dibadbaxyo waaweyn oo qaarkood rabshado wateen ay ka dhaceen meelo badan oo dunida ka tirsan.

Saddex todobaad kahor ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. 

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah. 

Pope-ka ugu sarreeya madhabta Catholic-ga Pope Francis ayaa dhowaan sheegay in xoriyatul qawlka saxaafadu xadidan yahay marka ay timaado in diin wax laga sheego. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM