Dibadbax ka dhan ah Charlie Hebdo oo berri Bosaso ka dhacaya

Image

January 29, 2015 (GO)- Dibadbax lagu cambaareynayo sawir-gacmeedkii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamad (NNKH) ee lagu soo daabacay wargeyska Charlie Hebdo, ayaa lagu wadaa in gelin dambe ee beri oo Jimce ah uu ka dhaco magaalada Bosaso.

Dibadbaxa waxaa soo qaban qaabiyey guddi culimaa'uddiin ah, waxayna ugu baaqeen bulshada in garoonka lasoo camiro si loo muujiyo taageerada loo hayo Nebiga iyo weliba sida looga xunyahay aflagaadada loo geystey.

Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin: Muqdisho, Hargeysa, Galkacayo iyo Beledweyn ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo caynkan oo kale ah, sidoo kale waxaa dibadbaxyo waaweyn oo qaarkood rabshado wateen ay ka dhaceen meelo badan oo dunida ka tirsan.

Saddex todobaad kahor ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. 

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah. 

Pope-ka ugu sarreeya madhabta Catholic-ga Pope Francis ayaa dhowaan sheegay in xoriyatul qawlka saxaafadu xadidan yahay marka ay timaado in diin wax laga sheego. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM