​Diyaar-garow kasocda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Ammaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana farasa magaalaha caasumadda Puntland ku sugan dadweyne kala duwan iyo laamaha nabad-galyada iyadoo jawigu saaka ka duwan yahay qaabkii hore.

Bulshada reer Garowe ayaa saaka isugu soo baxay bartamaha magaalada si ay usoo dhaweeyaan xulka matalayay ee kusoo guulaystay koobkii maamul goboleedyada ee kasocda magaalada Muqdishu xarunta dalka Somalia.

Qaar kamid ah shacabka oo aragtidooda ka dhiibtay barnaamij gaar ah oo ay qabatay Radio Garowe ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweyn ay u sameeyaan kooxdooda guulaysatay, iyagoo hambalyo u diray naadiga iyo maamulka hogaaminyay.

Abaara 12:00pm ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada iyadoo soo loo sameeyay qaban qaabo heerkeedu sarreeyo kadib markii loo magacaabay guddi isugu jira xukuumadda iyo hal doorka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Dowladda ayaa intii tartanku socday ballanqaadyo u sameeysay dhalinyarada koobkaasi ka qayb-gashay waxaana goor hore mar madaxweyne Gaas hambalyo u dirayay uu sheegay in dowladdu ka farxin doonto.

Waxaa xusid mudan inay jiraan dad iskood isu xilqaamay kuwaasoo wada qorshayaal abaalmarinno lagu guddoonsiinayo kooxdii koobka maamullada dalka soo qaaday.

GAROWE ONLINE, kala soco Sawirro iyo muuqaallo ku saabsan soo dhaweynta loo sameeyo kooxda kubadda cagta ee ku cayaaraysay magaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM