Diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland oo shir laga yeeshay

Image
Kulankan waxaa agaasintey Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Daa'uud Maxamed Cumar ayaa kulan la tashi ah la qaatay qaar kamida khuburada sare ee Puntland.

Kulanka waxaa looga wada-hadlay sidii khubaradu talo iyo tusaale ugu biirin-lahaayeen diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland (Puntland Development Pland4) oo dhawaan Wasaaradda Qorsheyntu daah-furtay.

Kulanka oo ay Wasiirka kala qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Ibraahim iyo saraakiil Wasaaradda katirsan waxaa goob-jooga ahaa khubarada kala ah:

1. Dr. Ali Abdullahi Warsame
2. ⁠Prof. Mohamed Said Samatar
3. ⁠Drs Hodan Said Isse
4. ⁠Dr. Ahmed Hassan Mohamed
5. ⁠Dr. Bashiir Sh. Mohamed
6. ⁠Dr. Abdinasir Jamal Warsame
7. ⁠Dr. Abdi Mohamed Dahir
8. ⁠Dr. Jama Warsame
9. ⁠Dr. Abdikarin Abdi Buux

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta waxaa ka go'an tayeynta diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, waxayna fursad siinayaan cid walba cilmi, caqli iyo taloba ku dari karta horu-socodka hayaankeena dawladnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM