​Dooni Shabaab qaadi lahayd oo nawaaxiga garacad lagu qabtay

Image

GALKACYO- Gudoomiyaha deegaanka Garacad gobolka Mudug ayaa sheegay in qiyaastii meel deegaankaasi u jirta 80KM lagu qabtay dooni waday labo nin oo la sheegay inay u socdeen koox katirsan Shabaab kuwaasi oo ka firxaday dagallo ka dhacay gobolka Mudug. 

Cabdinuur Cabdullaahi Xirsi oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in raggaasi gacanta lagu hayo islamarkaana ay doonayeen inay qaadaan 14 kamid ah ururka Shabaab kuwaasi oo ku sugan deegaan lagu magacaabo Soon-dheer, kuwaasi oo doonayay inay dib ugu laabtaan deegaanka Xarardheer oo markii hore ka yimaadeen. 

Gudoomiyuhu, wuxuu sheegay inuu socdo howlgal lagu soo qabanayo kooxdaasi isagoo tilmaamay in ammaanka deegaanka Garacad uu yahay mid wanaagsan kadib markii dhawaan ay kasoo dageen boqolaal ciidamo katirsan kooxda Shabaab. 

Arrintan, ayaa timi kadib markii dhawaan dowladda Puntland shaacisay inay soo afjareen dagaal lala galay koox katirsan mallayshiyaadka Shabaab kuwaasi oo dhawaan soo gaaray gobolka Mudug, waxaana jiray firxad dagaalkaasi kabaxsaday oo badankood galeen dhinaca Galmudug halkaasi uu ku qabsaday dagaal xooggan oo sababay in laqabto in kabadan boqol ruux tiro kale oo intaasi kabadanna la qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM