​Doonyo lagu soo qabtay degmada Eyl Nugal

Image

Saddex doonyood oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen, ayaa lagu soo qaybtay deegaan hoos yimaada degmada Eyl gobolka Nugal sida uu xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka ciidanka Badda Puntland.

Kornel Maxamud Ciise Saciid oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in lasoo qabtay doonyahan xilli jariif ka wadeen tuulo lagu magacaabo Xaabo iyo Kabaal oo hoos timaada degmada Eyl, isagoo tilmaamay inay ku socdaan baaritaano la xiriira falka lagu soo qabtay.

Wuxuu sheegay in labo kamid ah doonyaha laga leeyahay Yemen, halka tan kale dalka Iran kasocoto, isagoo xusay in hadda lagu hayo Eyl.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay saarnaayeen 109 ruux oo ku jiraan Somalia, kuwaasi oo tilmaamay inay kala kulmeen iska caabin waqtigii howl galka lagu gudajiray.

Kornelka, ayaan wax laga weydiiyay dhaliil ciidamada badda u soo jeediyeen waxgaradka tuulo lagu magacaabo Marraya oo hoos timaad degmada Eyl, taasoo salka ku haysa wax ka qabasho la'aanta doonyo rasaaseeyay dadka deegaanka islamarkaana Barriga usoo dhaadhacay, wuxuuna sheegay inay mandate iyo amar madaxweyne u haystaan howlgal kasta oo la xiriira biyaha Puntland, isagoo xusay inay ka go'antahay qaabkii loo soo afjari lahaa falalka la xiriira Jariifka.

Ciidamada badda ayuu sheegay inay leeyihiin awood agab ku filan, kaasii oo ay kaga hortagi karaan dhibaatada lagu hayo biyaha Somalia.

Dhinaca kale 02 bishan ayaa magalada Bosaso lagu soo bandhigay shan doonyood oo jariif ah, waxaana falalkani u muuqdaan kuwa kusoo badanaya xeebaha Puntland, kuwaasi oo sahli kara soo laabashada falalka burcadnimada ee la suuliyay 2012, sida ay noo xaqiijiyeen Kalluumaysatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM