Doorashada duqa degmada Qardho oo la shaaciyay [Dhagayso]

Image

20 September, 2015(GO)-Magalada Qardho xarunta gobolka Kar-kaar waxaa ka socota qaban qaabada doorashada golaha deegaanka degmadaasi.

Kulan ka dhacay magaalada Qardho ayaa lagu shaaciyay xilliga la qabanayo doorashada iyo shuruudaha laga doonayo xildhibaanada cusub.

Isu-duwaha wasaaradda arrimaha gudaha gobolka Karkaar Maxamed Muuse Ismaaciil ayaa warbaahinta u akhriyay shuruudaha laga doonayo xildhibaanada cusub. 

Maxamed ayaa odayaasha ka codsaday inay soo dadajiyaan soo gudbinta xubnaha,waxaana loo qabtay inay ku keenaan muddo 2 maalmood gudahooda ah,

Doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa loo muddeeyay inay dhacdo maalinta Arbacada ee fooda nagu soo haysa. 

Horay, wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay inay xilka sii hayaan mudo 20 casho ah, gudoomiyaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed siciid Ciise "Hogaamo" iyo ku-xigeenkiisa Burhaan Xaaji Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM