Doorashada Guddoonka golaha deegaanka degmada Burtinle oo bilaabatay

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Waxaa goor dhaw la bilaabay doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha deegaanka degmada Burtinle gobolka Nugaal, ka dib khilaaf saaka hakiyay.

Doorashada oo u dhacaysay qaab qarsoodi ah, waxaa u tartamayay labo murashax oo kala ahaa Deeq Cabdi Maxamuud iyo Maxamed Maxamuud Axmed.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa loo doortay sida warar hordhac ah sheegayaan Maxamed Maxamuud Buurdibi isagoo helay 14 cod, waxaana lagu kala baxay wareegii hore.

Haatan, waxaa socota doorashada ku-xigeenka Gudoomiyaha, waxaana ku sugan madasha doorashadu ka dhacay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, Gudoomiyaha gobolka iyo saraakiil kale.

Faah faahinta waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararka dambe

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM