Dowladda PL oo loogu baaqay wax ka qabashada abaaraha

Image

Talaado, September 23, 2014 [ GO]- Xildhibaan Maxamed Axmed Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay  in qaylo dhaan baahsan oo la xiriirta xaaladda abaartu kasoo yeerayso gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Xildhibaan Maxamed  ayaa waraysi uu siiyey Radio Garowe ku sheegay in gobaladaas ay ka jirto biyo la'aan daran taasoo ay suuro gal tahay in khasaare badan oo naf iyo maalba lihi uu ka dhasho hadii aan si dhaqso ah loogu gurman deegaanada abaartu saamaysay.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Gaas ayuu ugu baaqay inay tilaabo muuqato ka qaado xaaladaha cakiran ee gobalada qaarkood laga soo sheegayo isagoo intaas raaciyey in dadku aanay u baahnayn in gargaarka hay'adaha lala sugo.

''waxan xukumadda Gaas ugu baaqayaa in dadkaas loo gurmado oo aan hay'ado lala sugin inta deeqda rabi la helayo, dowladdu inay dadkeeda kaafiso weeye oo biyo lala gaaro, dowladdu dhaqaale waa haysaa waxaan ka rajaynayaa inay shacabkeeda gar gaar degdeg ah u fidiso'' xildhibaanka ayaa sidaa yiri.

Docda kale, dowladdii uu hormuudka ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayuu sheegay  inay kaalin muuqata ka qaadatay gurmadka abaarihii dhacay 2012, xilligaas oo xataa Ciidanka Badda Puntland PMPF ay gurmadka qayb libaax ka qaateen

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay u iclaamiyey xaalad deg deg oo ku aadan abaarta ka jirta qaar kamid ah gobollada Puntland, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka, hay'adaha samafalka iyo dadka reer Puntland ee wax haystaa inay si wadajir ah uga qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku nool deegaanada ay abaartu ku habsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM