Galmudug oo dacwo ka gudbisay Puntland

Image

Axad, September 21, 2014 [GO]- Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid oo la hadlayay BBC ayaa sheegay inuu warqad dacwo ka gudbiyey Puntland taasoo ku aadan hor istaag lagu sameeyay garoon diyaaraded oo Gaalkacyo ku yaala.

Qaybdiid ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas balse aysan ilaa iyo hada war cad ka helin wuxuuna tilmaamay inay go'aan ka qaadan doonaan haddii ay qoraalka kasoo jawaabi waayaan madaxda Villa Somalia.

Eedaynta Cawaale ayaa salka ku haysa garoon diyaaradeed oo dhowaan laga furay koonfurta Gaalkacayo kaasoo uu sheegay inay Puntland hor istaagtay diyaaradihii kasoo degi lahaa.

Qaybdiid iyo Gaas ayaa horay warbaahinta isu mariyay hadalo kul kul oo salka ku hayey dhismaha maamulka la shaaciyey in loo dhisi doono gobolada dhexa ee ka koobanaan doona Galguduud iyo Mudug, arintaasoo Puntland ay aad uga biyo diiday.

Bishii afaraad ee sanadkan magaalada Gaalkacyo waxaa ku shiray Madaxwaynaya Puntland iyo kan Galmudug waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka labada dhan loo xoojin lahaa loogana wada shaqayn lahaa kobaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxtooyada Puntland wali kama jawaabin eedaymaha uga yimid dhanka Galmudug, wuxuuna hadalka Qaybdiid kusoo aadayaa xili uu dhamaaday waqtigii horay Puntland ugu qabatay wadahadal ay la furayso Dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM