Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Image
Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

GAROWE, Puntland - Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxa uuna booqday dugsigga tababarada ciidamada ee Xorgoble.

General Aadan waxaa ugu horeyn halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha dugsiga Xorgoble G/dhexe Burhaan Axmed Caanood, maamulka iyo macalimiinta dugsigga, waxay uga warameen xaalada dugsigga, marxaladihii uu soo maray, iyo hawlaha shaqo ee hadda ka socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban-yahay dugsigga, waxa uuna intaas ka dib si gaar ah ula kulmay taliyaha dugsigga Burhaan Caanood iyo hawl-wadeenada kale.

Ugu danbayn, General Aadan Cabdi Xaasho ayaa taliye Burhaan, maamulka iyo macalimiinta uga mahad-naqay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen 5tii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena waxa uu kula dardaarmay inay u diyaar-gaaroobaan shaqooyinka kale ee qorshaynsan ee ay ugu horeeyaan horumarinta xirfada iyo aqoonta ciidamada Puntland iyo tababarkoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM