Dowladda Puntland oo shirkadaha kala hadashay maareynta qashinka

Image
Shirkadaha biyaha sifeeya iyo shirkadda Daryeel Degaan ayaa kulankan kasoo dhex-muuqdey.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda kulan kula qaatay Shirkadaha biyaha sifeeya iyo shirkadda Daryeel deegaan oo u xilsaaran qashinka magaalada Garowe.

Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ayuub Cali Axmed, Agaasimaha Guud Shaafici Maxamuud Ismaaciil iyo Guddi wasiirku u magacaabay kormeerka iyo kasoo talo-bixinta xaaladda deeegaan ee degmada Garowe, 

Kulanka intuu socday waxaa looga hadlay sidii laysaga kaashan lahaa maaraynta qashinka oo dhibaato caafimaad iyo mid degaanba ku keenay bulshadda.

Intii kulanku socday waxay guddidu kusoo bandhigeeen warbixin ay ka diyaarsheen kormeer ay ku tageen godka qashinka magaaalada, goobaha ay shirkaduhu ku shubaan haraaaga dareerahaa ee warshadaha, iyo saamaynta caafimaad ee ka dhalan karta.

Gaba gabadii, waxaaa dhinacyadu isku afgarteeen in laga wada shaqeeyo arimaha shirka lagu lafa guray lana dhaqan galiyo xeerarka Ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo sahminta saamaynta deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM