Dowladda Puntland oo soo dhoweysay doorashada Shariif Xasan

Image

Talaado, Nov,18, 2014 [GO]- Af-hayeenka Madaxtooyada Dawlada Puntland oo u waramayay Radio Garowe ayaa sheegay in Puntland si diiran u soo dhawaynayso maamulka Sadexda gobol ka kooban oo maalintii shaley loogu doortey Madaxweyne Shariif Xasan Shariif Aadan.

Cabdilaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa sheegay Puntland inay taageertay maamulka Koonfur Galbeed madaama uu buuxiyay shurudihii Dastuurka Federaalka.

Afhayeenka ayaa xusay in dawlada Puntland mar walba soo dhawaynso midnimada ummada Somaliyed iyo dhismaha maamul kasta oo u taagan nabad islamarkaana buuxiyey shuruudaha Dastuurka

Doorashada Shariif Xasan ayaa waxaa sidoo kale waxaa soo dhoweeyey maanta Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada Federaalka ah isaga oo ku tilmaamey talaabo horey loo qaadey.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa horey u diidey doorashada maamulka Koonfur Galbeed isaga oo tilmaamey in dowlada Federaalka aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka kooban gobolada Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool.

Halka ka dhageyso wareysiga Afhayeenka

GAROWEONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM