Dowladda Puntland oo soo dhoweysay doorashada Shariif Xasan

Image

Talaado, Nov,18, 2014 [GO]- Af-hayeenka Madaxtooyada Dawlada Puntland oo u waramayay Radio Garowe ayaa sheegay in Puntland si diiran u soo dhawaynayso maamulka Sadexda gobol ka kooban oo maalintii shaley loogu doortey Madaxweyne Shariif Xasan Shariif Aadan.

Cabdilaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa sheegay Puntland inay taageertay maamulka Koonfur Galbeed madaama uu buuxiyay shurudihii Dastuurka Federaalka.

Afhayeenka ayaa xusay in dawlada Puntland mar walba soo dhawaynso midnimada ummada Somaliyed iyo dhismaha maamul kasta oo u taagan nabad islamarkaana buuxiyey shuruudaha Dastuurka

Doorashada Shariif Xasan ayaa waxaa sidoo kale waxaa soo dhoweeyey maanta Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada Federaalka ah isaga oo ku tilmaamey talaabo horey loo qaadey.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa horey u diidey doorashada maamulka Koonfur Galbeed isaga oo tilmaamey in dowlada Federaalka aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka kooban gobolada Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool.

Halka ka dhageyso wareysiga Afhayeenka

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM