Dowladda Soomaaliya oo mashruuc ka fulinaysa Waaciya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

WAACIYA, Puntland- Wafdi kasocda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo iskuulka Farsamada Gacanta ee ugu weyn Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ay hogaaminayaan wasiir dowlaha Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiir dowlaha waxbarashada Puntland, ayaa maanta degmada Waaciya ee gobolka Karkaar ku dhagax dhigay Mashruuc ay maalgalin doonto DFS.

Shacabka degmada ayaa wafdigan oo kasoo kicitimay magaalada Garoowe soo dhaweyn ugu sameeyay duleedka deegaanka Xido oo aan sidaas uga fogay Waaciya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay goobta la dhagax dhigay mashruucan ayaa lagu sheegay inuu yahay Barnaamij ay ka faa’iidaysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana lagu kor loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Waaciya Isxaaq Axmed Xasan, ayaa madasha ka sheegay in goobta la dhgax dhigay mashruucan ay muddo hore ugu talo galeen inay noqoto meel loogu adeego shacabka.

Qaar kamid ah cuqaasha degmada ayaa soo dhaweeyay mashruucan waxayna u mahadceliyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Puntland oo iska kaashanaya hirgalinta Mashruucan.

Wasiir dowlaha waxbarashada Puntland, Yaasiin Seed iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna duqa Boosaaso ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxayna tilmaameen inuu tahay riyo u rumowday shacabka ku nool deegaankan.

Lataliyaha dhinaca Mashaariicda iyo qorshaynta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhankiisa xusay in dhammaan ballanqaadyadii uu Madaxweynuhu ka sameeyay Puntland la wada fulin doono, midka Waaciyana uu ugu horeeyay.

Wasiir dowlaha Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Barlamanka Cabdullaahi Bile, ayaa sheegay in dugsigan uu kaabayo yaraynta shaqa la’aanta ka jirta dalka islamarkaana uu horseedo in dadku xirfado ku shaqo tagaan.

Dugsigan ayaa noqon doona midkii ugu weynaa ee laga hirgaliyo dalka Soomaaliya, waxaana dedaal dheer ku bixiyay dhismihiisa Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee ku jira Aqallada Barlamanka kuwooda kasoo jeeda deegaankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM