Dr. Farole oo Hargeysa si weyn loogu soo dhoweeyey

Image
Image
Image

July 19, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, isimmo iyo waxgarad ayaa Mudane Farole kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Ujeedada Farole u tegey Hargeysa waa sidii uu booqan lahaa qaar kamid ah qaraabadiisa gaar ahaan qoyska AHN xaaskiisii hore Aamino Abiib.

Booqashadan ayaa ah middii ugu horeysey ee Dr. Farole ku tago Hargeysa muddo 23 sano ah kadib.

Dhanka kale, waa markii ugu horreysey ee madaxweyne Puntland soo maray booqasho ku tago Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM