Duqa degmada Galkacayo oo dhagax dhigey wado laami ah

Image
Image

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed ''Nugaal'' ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 Feberaayo dhagax dhigay waddo laami ah oo dheererkeedu yahay 1.8km waana qayb ka mid ah wadada Durdur ee Gaalkacyo.

Munaasabadda dhagaxdhigga ayaa waxaa ka qaybgalay, maamulka gobolka xubno ka socday golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo, madaxda ka socotay Hay'adda USAID oo mashruucaan dhaqaalaha ku baxaya bixinaysa iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa Degmada Galkacyo Cabdicasiis Jamac Guuleed ''Nugaal'' ayaa isagoo ka hadlayay Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa uu sheegay in maamulku bilaabeen hormarinta Degmada Gaalkacyo manatana la dhagax dhigay qayb ka mid ah wadada Durdur ee Gaalkacyo taas oo laami laga dhigayo.

''waxaan maanta dhagax dhigaynaa wadada Durdur qayb kamid ah oo dheerarkeedu yahay 1,800m oo laami ah taas oo qayb ka noqonaysa hormarinta magaalada, waxan gudiyada xaafadaha ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan dadka dhisaya wadada waxaan kaloo codsanaynaa in la dumiyo dhammaan goobaha wadadu kusoo beegmato, amarna waan ku bixinay in wax walba oo hor istaagi kara wadada la dumiyo sida guryaha wadada kujira'' Sidaas waxaa yiri duqa magaalada Gaalkacyo.

Duqa Gaalkacyo oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda la dhagaxdhigayo wadada aadda garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Airport.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo isna hadal ka jeedinayay munasbadda dhagaxdhigga ayaa maamulka degmada Gaalkacyo ku dhiirri galiyay dadaalka ay ugu jiraan hormarinta magaalada, waxaana bulshada uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka degmada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah dadka Degan wadada laamiga ee xaafadda Garsoor maraysa  ayaa soo dhaweeyay dadaalka dawlada hoose ee Gaalkacyo docda kalana waxaa ay balanqaadeen inay la shaqeynayaan maamulka degmada lana duminayo cid kasta oo wadada soo gasha.

Xafiiska Warfaafinta Degmada Gaalkacyo
 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM