Duqa degmada Qardho oo la doortay

Image

23 September, 2015(GO)-Duqa degmada Qardho ayaa loo doortay Cabdi Siciid Cismaan oo helay 20 cod halka tartamaha kale uu helay 9 cod, ka dib doorasho lagu qabtay xarunta gobolka Kar-kaar.

Xilka Gudoomiyaha degmada Qardho waxaa ku tartamayay labo musharax oo kala ah Cabdi Siciid Cismaan iyo Faarax Cabdullaahi.

Waxaa codayaynayay 29 xildhibaan oo shalay loo dhaariyay golaha deegaanka degmada Qardho.

Haatan, waxaa socota doorashada ku-xigeenka duqa, waxaana ku tartamaya labo xubnoo oo kala ah Cabdirasaaq Cumar Faarax iyo Maxamud Ismaciil Salaad.

Ninka loo doortay duqa Qardho ayaa soo qabtay xilal kala duwan lana soo shaqeeayay Hay'ado dhawr ah oo u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM