​Duqa Galkacyo "Shacabku Qaxa ha joojiyaan"

Image

GALKACYO, Puntland- Maamulka degmada Galkacyo ayaa ka hadlay xaaladda magaalada iyo sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida iyagoo fariin u diray dadka ku dhaqan xarunta gobolka Mudug iyo wadayaasha gaadiidka dadweynuhu raaco.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Galkacyo Maxamud Yaasiin Axmed Tumay, ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda magaaladu tahay mid dagan islamarkaana dadka looga baahanyahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen amniga degmada.

Tumay, ayaa fariin u diray dadweynaha iyo gaadiidlayda oo ku eedeeyay inay Qaxinayaashan shacabka, "Dadweynaha waxaan leeyahay ha joojiyaan Qaxa, waxaana dadka shoobaraha wada ee gaadiidlaydu kamid tahay u sheegayaa inaan shacabka la qaxin".

Wuxuu duqa Galkacyo hadalkiisa ku daray in magaalada aysan ka jirin wax dhibaato ah, wuxuuna caddeeyay in dowladda Puntland ku filantahay amniga Galkacyo iyo shacabka.

Hadalka duqa Galkacyo ayaa yimid iyadoo dadku cabsi xoogan ka muujiyeen dagaal kasoo cusboonaada xarunta gobolka Mudug oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo magaalada keenay ciidamo tiro badan.

Xaaladda Galkacyo, ayaa maanta u muuqatay mid dagan inkastoo shalay galinkii dambe ka dhacay dagaal khasaarihiisu yaraa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM