Duqa Garowe oo amray in ay baxaan Itoobiyaanka aan sharciga haysan

Image
Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay soo gaarayay caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku amray dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan inay si deg deg ah uga baxaan magaalada.

Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi oo la hadlay warbaahinta madaxa-banaan ayaa waxa uu ku hanjabay haddii ay u hoggaansami waayaan in la masaafurin doono.

"Waxaan rabaa in aan fariin u diro dadka Itoobiyaanka ah ee sharci darrada ku jooga magaalada, aad baan uga shaqeynay soo dhaweynta dadkaas, laakiin hadda waa la gaaray, waxaan rabnaa in aan u sheegno kuwa aan sharci u haysan inay ka baxaan magaalada Garoowe," ayuu yiri.

Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay soo gaarayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Dadkan ayaa nolol adag kala kulmay Garoowe iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland, SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Qaar ka mid ah Itoobiyaanka ayaa sidoo kale la wareegay shaqooyin ay ka mid yihiin nadiifinta kabaha. Tani waxa ay shaqo la'aan dhigtay dhalinyaradda magaaladda.

Horay ayaa maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland uga mamnuucay dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo kadib markii maamulka uu walaac ka muujiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM