Duqa KMG ah ee Garowe oo ku milmay "dimuqraadiyada qofeysan"

Image
Cabdulqadir Maxamed Maxamuud (Geedi) ayaa cadaadis ku bilaabay gudoomiyeyaasha xaafadaha caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Duqa KMG ee Garowe ayaa cadaadinaya gudoomiyayaasha xaafadaha ururka KAAH ee uu leeyahay madaxweynaha wakhtigiisu ay bilooyinka ka harsan yihiin ee Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.

Kulan dhawaan ka dhacay xarunta ururka KAAH ee Garowe kaasi oo ay ka qayb galeen guddiga soo xulista golaha deegaanka Garowe ee ururka KAAH iyo Gudoomiyayaasha dhamaan xaafadaha Garowe ayaa looga hadlay sida ay ula shaqaynayaan gudoomiyayaashu ururka KAAH.

Masuul kulanka ka qayb galay oo diiday in aan magacawno ayaa u sheegay Garowe Online: "Gudoomiyayaasha qaybtood oo illaa saddex gudoomiye gaaraya ayaa ka cudur daartay in ay noqdaan shaqaale ololaha uga shaqeeya iyaga oo afka ku balaariyay in ay ergo soo dooratay".

Intaas kadib duqa ku-meel-gaarka ah ee Garowe, Cabdulqadir Maxamed Maxamuud "Geedi" ayaa shaqada ka joojiyay gudoomiyaha xaafadda Hantiwadaag ee Garowe, Bashiir Maxamed Maxamuud, isaga oo gudoomiyuhu doonaya in uu xilkaas Bashiir ku wareejiyo ku xigeenkiisa oo ah xubin kamid ah ururka KAAH.

Dhaqankaan ayaa ah mid muujinaya sida madaxweyne Deni iyo ururkiisu ay ugu sifoobeen walaac ay doorashada ka muujiyeen ururada siyaasadda Puntland oo iyagu barnaamijkaan shaki ka muujiyay.

Illo xog ogaal ah oo ka tirsan degmada Garowe ayaa yiri: "Waxaan u malaynayaa duqa degmadu in uu doonayo in uu xilka ka qaado gudoomiyayaasha ilaa sadex xaafadood oo magaalada kamid ah waana arki doonaa maalmaha soo socda".

Geedi ayaa doonaya in uu isu sharaxo duqa Garowe iyada oo uu riixayo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo uu horey ugu ahaa Agaasimaha maamulka Maaliyada xafiiskiisa oo uusan tagin asbuucyadii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM