​Duqayn ka dhacday degmada Qandal [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaafiic dhowr ah ayaa barqankii maanta lagu garaacay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku suganyihiin mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin ururka Daacish.

Warar kala duwan, ayaa duqayntaas kasoo baxaysa, maadama halkaas ku suganyihiin ciidamo katirsan Puntland, maraakiib Ajnabi ah iyo diyaarado dul heehaabaya nawaxiga degmadaas.

Gudoomiyihii hore degmada Qandala Siciid Waaberi Maxamed ayaa Radio Garowe u sheegay in duqayntaas ay gaysteen ciidamada Puntland ee ku sugan badda.

Wuxuu xusay inuusan faah faahin ka bixin karin khasaaraha ka dhashay isagoo ku sifeeyay inay u malaynayaan digniin loo dirayo mallayshiyada.

Waabari, ayaa hadalkiisa sii raaciyay in degmada Qandal maanta isaga baxeen 9 qof oo ka harsanaa dadkii degmada daganaa, sidaas darteed aysan u malaynayn inuu jiro dhibaato weyn.

Wuxuu ka gaabsaday mas'uulkan oo hadda ah xisaabiye katirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland duqayntaas isagoo xusay inay tahay xaalad military.

Dhinaca kale, warar madax banaan ayaa sheegaya  in duqayntaas ay gaysteen Maraakiib Ajnabi ah oo badda ku sugan.

Majirto wax war ah oo dhinaca saraakiisha ammaanka iyo xukuumadda Puntland kasoo baxay.

Magaalada Bosaso, xarunta gobolka Bari, waxaa gaaray qoysas kamid ah dadkii ku dhaqnaa Qandala, waxaana Guddoomiyaha gobolkaas Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo uu sheegay inay wadaan dadaal ku aadan sidii dib u dajin loogu samayn lahaa.

Qaar kamid ah qoysaskii gaaray tuulooyinka u dhow qandala, ayaa iminka xaaladooda lagasoo dayrinayaa, waxaana la sheegay inaysan helin gurmad, maadama ay kasoo carareen hantidoodii.

Todobaadkii hore, ayay ahayd markii rag lagu qiyaasay 50 ruux oo sheegtay inay katirsanyihiin Daacish, ay gaareen degmada Qandala ee gobolka Bari, waxayna muddoo kooban gacanta ku hayeen magaalada iyagoo markii dambe isaga baxay, balse aan ka fogaan deegaanada ku xeeran Qandala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM