Roobab Dabaylo wata oo laga cabsi qabo inay ku dhufataan Puntland [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Roobab dabaylo wata ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan qaybo kamid ah xeebaha Puntland gaar ahaan gobollada Bari iyo Karkaar.

Agaasimaha hay’adda Puntland u qaabilsa masiibooyinka(HADMA), Cabdilaahi Xaashi Cayrow, oo la hadlayay Radio Garoowe ayaa sheegay inay jiraan walaac laga qabo in duufaan ay ku dhufato qaybo kamid ah gobollada Puntland.

Cayrow, wuxuu sheegay inay jiraan xogo iyo saadaal sheegaya in roobab dabaylo wata ay ku jiraan dhinaca badda kuwaasoo qaybtood ay iminka ka da’ayaan dalka Cumaan.

Agaasimaha ayaa xusay in saadaashu sheegaya in Roobabkan ay ka samaysmayaan badda India gaar ahaan dhinaca Cumaan oo ay ku wajahantahay balse laga cabsi qabo inay dhinaca Puntland u soo weecato maadama waddankaas uu leeyahay Buuro.

Degmooyinka Caluula iyo Bayla ayuu tilmaamay in laga yaabo inay ku dhufuto, waloow uu xusay inay tahay mid aan khatar badnayn.

Cayrow oo sii waramaya ayaa sheegay inay digniino u direen shacabka ku dhaqan xeebaha Puntland si ay uga gaashaantaan masiibo halkaas ka dhacda.

Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda masiibooyinka Puntland, Cabdilaahi Xaashi Cayrow ayaa warbixin kooban ka bixiyay khasaarihii ka dhashay duufaantii Sagar oo martay qaybo kamid ah gobollada Pubtland, wuxuuna xusay in khasaaraheedu uu koobnaa.

2 qof ayuu xusay inay ku dhinteen islamarkaana xoolo aan badnayn ku waxyeellaysay gobolka Sanaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM