Eng: Cumar Dheere oo Galkacyo lagu dilay

Image

GALKACYO- Waxaa saladdii Maqrab [07 May, 2016], magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu dilay Allaha u naxariistee gudoomiyihii ganacsada gobolka Mudug islamarkaana ahaa Maareeyaha shirkadda Somtel gobolkaasi Eng. Cumar Cabdulle Maxamed ( Cumar Dheere).

Dilkaan ayaa ka dhacay masaajidka Salaama, xilli laga soo baxay tukashada salladda Maqrib.

Ruux dhalinyaro ah oo Bastoolad ku hubaysan, ayaa falkaasi gaystay siday warsidaha Garowe Online u sheegeen goob joogayaal ku sugan Galkacyo.

Lama garanayo haybta ruuxa falkaasi gaystay, mana jirto cid sheegatay mas'uliyadda dilka Allaha u naxariistee Eng. Cumar Dheere.

31 March, 2016, ayay ahayd markii qarax miino lagu dilay Allaha u naxariistee xisaabiyihii gobolka wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Cali Yusuf (Gaadayare).

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM