Ethiopia Airlines oo ballaarinaysa duulimaadyada degaanada Puntland

Image
Mas’uuliyiinta hawada Puntland iyo Itoobiya ayaa mawduucan uga hadlay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

GAROWE, Puntland - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Abdillaahi Bile Nour oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gabobe iyo Agaasimaha Waxda Duulista Mr. Cabtan Maxamuud Xaaji Warsame (Mooto) ayaa hawlo shaqo ku tagey dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa kulan kula qaatey mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gadiidka Ethiopia Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay'adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxda ugu sareeya shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin Tasew Bekele.

Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL la qaateen Madaxda Dalka Ethiopia ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia, Kor u qaadida Duulimadyada Diyaarada Ethiopian Airlines ay ku timaado Deegaanada Puntland oo lagu soo kordhinaayo Diyaaradaha xamuulka qaada (Cargo Fly) iyo sidii loo siin-lahaa shaqaalaha Wasaaradda Duulista DPL tababaro iyo deeq waxbarasho (Scholarship).

Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo sidii Madaxda Ethiopia iyo Puntland ay iskaaga kaashan lahayeen Arrimaha kor ku xusan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM