​Faah-faahin dilka Xeer ilaaliye Firdhiye iyo waraysigiisii ugu dambeeyay oo arrimo kala duwan uga hadlay [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilkii maanta loo gaystay AUN Xeer ilaaliyihii ciidamada Milateriga Puntland, Cabdikariim Xasan Firdhiyo kaasoo maanta dablay hubaysan ku toogteen magaalada Bosaso.

Afhayeen u hadlay Shabaab oo lagu magacabo Abu Muscab, ayaa sheegay inay mas'uulkaas dileen koox katirsan Al Shabaab oo ku sugan Bosaso, wuxuuna intaas ku daray ahaa shakhsi aad ula dagaallamay howlgalkooda islamarkaana dilal ku xukumi jiray shakhsiyaadka iyaga katirsan sida uu hadalka u dhigay Muscab.

Cabdikariin Xasan Firdhiye, ayaa waraysi bixiyay daqiiqado kahor intaan Bosaso lagu toogan, wuxuu kaga waramay socdaalkiisa isagoo sheegay inuu u tagay xarunta gobolka Bari sidii loo qaadi lahaa dacwada dad gaaraya 70 ruux oo racfaan ka qaatay go'aamo horay ugu riday maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland.

AUN Firdhiye, oo la hadlay Daljir Saacaddii ugu dambaysay noloshiisa, ayaa sidoo kale waraysigaas uga hadlay dhalinyaro katirsan Al Shabaab oo lagusoo qabtay dagalladii ka dhacay Puntland, kuwaas sannadkan dhexdiisa loo qaaday magaalada Muqdishu, wuxuuna sheegay in sharcigu ogalayn in la maxkamadeeyo maaadama ay ka yaryaryihiin da'da Qaan-gaarka islamarkaana loo baahday in dhaqan celin lagu sameeyo sidaas awgeed loogu qaaday Muqdishu, maadama halka aysan lahayn xarumo loogu talo galay.

Wuxuu beeniyay inaysan jirin cid lasii daayay oo katirsan Shabaabkii ka dagaallamay Puntland.

Howlgalladii Bosaso laga sameeyay ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inaysan ka hordhacay baaritaanada socda.

Balse nasiib darro waraysigaas kadib Xeer ilaaliye Firdhiye, waxaa toogtay rag ku hubaysnaa Bastoolado oo ka baxsaday goobta dilka oo ay ka agdhawaayeen ciidamado katirsan ku amniga.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Puntland Col. Cabdifatax Xaaji Aadan oo la hadlay idaacada BBC laanteeda af-Somaliga ayaa qiray, iney jireen ciidamo ka ag dhawaa goobta dilku ka dhacey isagoo ku dhaartey in talaabo ka qaadi doonaan askartaas.

Cabdifatax ayaa sheegey in askarta ka dhoweyd goobtaas oo aan qaadin talabadii laga rabey ay ka dambi badan yihiin kooxaha dilka gaystey.

Amniga Bosaso, ayaa bishan noqday mid aad looga dayriyay, waxaana muddo 15 maalmood gudahooda ah lagu dilay saddex sarkaal oo ilaa hadda cid loo soo qabtay toogashadooda aysan jirin, marka laga reebo cambaarayn iyo u tacsiyayn katimid saraakiisha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM