Faah faahin ku saabsan qaraxii lagu diley Taliye Durraan

Image

March 1, 2015 (GO)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta magaalada Gaalkacayo ka dhacay oo lagu diley taliyihii ciidamada ilaalada cashuuraha ee gobolka Mudug Durraan Cumar (Qaylo).

Taliye ku-xigeenka booliska Mudug Cabdirashiid Gebi-Gebi oo shir-jaraa'id Gaalkacayo ku qabtey ayaa sheegay in qaraxa Taliye Qaylo lagu diley ahaa mid gaarigiisa horay loogu sii xirey.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in boolisku baaritaan wadaan balse weli aan cidna falkaas loo soo qaban.

Waa markii ugu horreysey ee mas'uul dowladda Puntland ka tirsan lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xirey.

Ammaanka magaalooyinka Galkacayo iyo Bosaso ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM