Garowe: ​Faah-faahin kulamada looga hadlayo 4.5

Image

GAROWE- Majirto waxa xal ah oo laga gaaray Kulamo looga hadlayay habraaca doorashada 2016 iyo sidii loogu qancin lahaa qaadashada nidaamkan maamulka Puntland oo horay u diiday inay yeelaan arrintan garwadeenka ka tahay dowladda Somalia iyo beesha caalamka oo garabsanaya maamullada kale ee Somalia.

Shirar dhacayay maalmihii ugu dambeeyay oo u dhaxeeyay labo guddi kala matalaya labada dhinac, waxaa la isku mari la'yahay qodobo labadaasi guddi kala wataan, waxaana horay dowladda Somalia wafdigoodu usoo jeediyeen in Puntland go'aankaasi qaadato maadato maadama ay tahay xubin muhiim ah oo Federalka katirsan, iyadoo la soo bandhigay qodobo lagu dheeraad ah oo loo samaynayo Puntland hadii ay yeesho.

Balse, xubnaha howshan u matalaya Puntland ayaa xogta uu helayo Warsidaha Garowe Online sheegaysaa inay keeneen shuruudo adag oo ay hordhigayaan dowaldda Federalka Somalia, waxaana shuruudahaasi kamid ah sida xogtu sheegayso; maqaamka caasumadda Somalia iyo halka lagu qabanayo doorashada la qaban doono sannadkan.

Dhinaca kale waxaa jira kulmo arrimahaasi ku saabsan oo dhexmaray Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Gaas, waaxaana la sheegay inaysan kasoo bixin arrin raali galisa dowladda Federalka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ayaa xusul duub ugu jira qaabkii uu u kasban lahaa aragtida shacabka Puntland oo kamidaysan inaan la qaadan habkaasi qabaliga ah, waxaana kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin iyo isimmadda Puntland u ka helay aragti midaysan oo qeexaysan inaan mabda'aasi laga rabin deegaanada uu maamulkan ka arrimiyo.

Waxaase xusid mudan in kulamo wali socdaan islamarkaana uusan soo dhammaan shirarka looga hadlayo 4.5, laakiinse ma jirto cid shaacisay in madaxda Puntland qaateen nidaamkaasi.  

Wixii wararkaasi kasoo kordha Garowe Online kala soco

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM