Faah faahin weerar ka dhacay Galkacyo [Dhagayso]

Image

14 November, 2015(GO)-Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa maanta ka dhacay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan goob Geerash ahaan jirtay taasi oo dhawaan dowladdu la wareegtay.

Labo ruux midkood yahay ilmo yar oo xabad wiifto ah ku dhacday ayaa weerarkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay 11 ruux oo saddex ka mid ah xaaladoodu liidato.

Arrintan, waxaana ka hadlay taliyaha ciidanka birmadka gobolka Mudug, Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi oo sheegay in falkan uu saaka dhacay isla markaan kooxo hubaysan weerar ku soo qaadeen xaruntan horey dowladdu ula wareegtay.

Cabdisalaam Maxamud Macalim oo la hadlay Radio Garowe, kana mid ah golaha deegaanka cagaaran ayaa weerarka saaka sababtiisa dusha uga tuuray, wasiirka Howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi ahna gudoomiyaha guddiga loo xilsaaray soo celinta hantida ka maqan gacanta dowladda iyo duqa Galkacyo Cabdicaasiis Jaamac Nugal, wuxuuna tilmaamay inay arrintani keentay cadaalad darro dowladdu ku dhaqaaqday.Halkan ka dhagayso 

Xildhibaanku, wuxuu sheegay inay goobtani ahayd meel barking ah oo ku taala goob dowladdu leedahay taasi oo weli gacanteeda ka maqan.Waxuuna shaaciyay inay jiraan goobo badan oo shacabk Galkacyo weli haystaan, halka qaybtoodna ka dhisanyihiin hotello welina dowladdu la hadlin.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo cadaaladda kana run sheego kitaabkii uu ku dhaartay.

Dhanka kale agaasimaha cusbtitalka Galkacyo Dr Maxamed Xuseen Aaadan  ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay maydka labo ruux oo midkood yahay ilmo yar, dhaawaca 11 ruux mid ka mid ahi dumar tahay, waxaana uuna tilmaamay in dhaawacaasi saddex ka mid ah xaaladoodu liidato.Halkan ka dhagayso

Falkan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladdu sheegtay inay shaqooyin muhiim ah ka samayn magalada Galkacyo, isla markaana soo celisay dhul badan oo dowladdu leedahay, balse waxaa jira goobo badan oo weli haystaan shacab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM