Faah-faahin weerarka Galkacyo

Image

GALKACYO-Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay degmada Galkacyo gobolka Mudug, kaasi oo galaaftay nolosha mas'uliyiin iyo dad shacab ah oo tiradooda gaarayso 8 ruux, halka dhawacu yahay lix qof.

Dadka dhintay marka laga yimaado xisaabiyaha, waxaa kamid ah Xasan Ruush oo kamid ahaa dhalinta firfircoon ee aqoonyahay ah. 

Cabdirashiid Xasan Xaashi Taliyaha Ciidanka Birmadka  Mudug ahna Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska ee Gobolkaasi ayaa shir Jaraa’id oo ku qabtay magalada Galkacyo ayaa faahfaahiyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa qarax ka dhashay ruux walxaha qarxa isku soo xiray, kaasi oo beegsaday xisabiyihii wasaaradda maaliyadda Galkacyo Saciid Cali Yuusuf Gaada-yare. 

Wuxuu sheegay in falkaasi dad loo soo qabtay islamarkaana la baarayo kiiskan, wuxuuna intaasi ku daray in qofka is-qarxiyay qayb kamid ah jirkiisa la helay islamarkaana la ogaanayo halka uu ka yimi. 

"Qofka is-qarxiyay weli aqoonsigiisa oo buuxa lama hayo, waa la baarayaa, waxaana laga yaabaa in la helo dad garta. Dad lasoo qabtay wey jiraan oo loosoo qabtay kiiskan, waxaana xogta heli doontaan baaris kadib wixii ay mutaystaan,"Sidaasi waxaa yiri Gabi-gabi taliyaha ciidanka Birmadka gobolka Mudug. 

Dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay inay amnigooda ilaashaan islamarkaana ka fogaadaan ciddii aysan aqoon, wuxuuna shaaciyay in cidii dambiile noqota ee lagu soo qabto Galkacyo cadaaladda la horkeenayo islamarkaana saamayn ku yeelan doono dadka guryahay ka kireeyay amba gawaaridooda ku qaada. 

Dhinaca kale waxaa maanta magalada Galkacyo ka dhacay banaanbax ay sameeyeen shacabka magaalada kuwaasi oo kaga soo horjeedaan kooxda Shabaab, waxaana banaanbaxaasi sababay hakad ku yimi ganacsiga . 

Balse, xaaladda magalada ayaa haatan u muuqata mid dagan, waxaana socda baaritaano kala duwan, waloow jawiga maanta uu ka duwanyahay kuwii hore magalada Galkacyo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM