Faah faahin: weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhahcay

Image

January 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Af-hayeen u hadlay Wasaarada Amniga ayaa sheegay in dhammaan dadka weerarkaas ku waxyeeloobay rayid ahaayeen isagoo intaas raaciyey in ciidamada wax khasaare ahi kasoo gaarin.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in gaariga qarxay ahaa mid ciidamada ammaanku baacsanayeen kaasoo isagoo xawli ku socda ku dhacay gaari dad shacab ahi la socdeen dabadeena qarxay.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in weerarkaas lagu diley ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhanka kale af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere aya sheegay in weerarkaas iyagu ka dambeeyeen kuna dileen tiro badan oo kamid ah ciidamada dowladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab oo sanadkii tegey ee 2014 laga saaray badi deegaanadii ay koonfurta Somalia kaga sugneyd islamarkaana la diley qaar badan oo kamid ah saraakiishii ugu sareysey kooxda, waxay kordhisey weerarada ay ka geysanayso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weerarkii ugu dambeeyey ee Al-shabaab geysatey wuxuu ahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM