Faah-faahin xubno ka tirsan Somaliland oo Baran ku xiran [Dhagayso]

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag ee Puntland Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed ayaa ka hadlay 7 xubnood oo ciidanka daraawiishta Puntland ku xireen magalada Baran ee gobolkaasi.

Axmed Siciid oo  degmada Carmo gobolka Bari tababar u jooga  ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkaasi ahaayeen shakhsiyaad ka socday Somaliland oo watay NGO qandaraas ku soo qaatay wacyi galin doorasho, wuxuuna xusay inay u xiranyihiin Puntland.

Dadka la soo qabtay waxaa ka mid ah Xildhibaan gole deegaan oo lagu magacaabo Qamar Taleex, waxaana taliyuhu xusay in iyada lagu hayo xabsi guri.

Waxaa socota waan waan ay wadaan odoyaasha dhaqanka gobolkaasi.

Gaashaanle Sare Axmed Saciid ayaa xusay inay jiraan shakhsiyaad lacag ka qaata maamulka Somaliland kuwaasi oo uu xusay in loo adeegsado inay fuliyaan shaqaaqooyin balse ay haatan ka waan toobeen.

Gobolk Sanaag qaybo ka mid ah waxaa ku sugan maamulka Somaliland, balse taliyaha ayaa beeniyay in magalada Ceerigaabo uu ka taliyo maamulkaasi, wuxuuna xusay in qaab beeleed degmada loo wada maamulo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM