Faah-faahin xubno ka tirsan Somaliland oo Baran ku xiran [Dhagayso]

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag ee Puntland Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed ayaa ka hadlay 7 xubnood oo ciidanka daraawiishta Puntland ku xireen magalada Baran ee gobolkaasi.

Axmed Siciid oo  degmada Carmo gobolka Bari tababar u jooga  ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkaasi ahaayeen shakhsiyaad ka socday Somaliland oo watay NGO qandaraas ku soo qaatay wacyi galin doorasho, wuxuuna xusay inay u xiranyihiin Puntland.

Dadka la soo qabtay waxaa ka mid ah Xildhibaan gole deegaan oo lagu magacaabo Qamar Taleex, waxaana taliyuhu xusay in iyada lagu hayo xabsi guri.

Waxaa socota waan waan ay wadaan odoyaasha dhaqanka gobolkaasi.

Gaashaanle Sare Axmed Saciid ayaa xusay inay jiraan shakhsiyaad lacag ka qaata maamulka Somaliland kuwaasi oo uu xusay in loo adeegsado inay fuliyaan shaqaaqooyin balse ay haatan ka waan toobeen.

Gobolk Sanaag qaybo ka mid ah waxaa ku sugan maamulka Somaliland, balse taliyaha ayaa beeniyay in magalada Ceerigaabo uu ka taliyo maamulkaasi, wuxuuna xusay in qaab beeleed degmada loo wada maamulo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM