Puntland: Doomo la xanibay oo xayiradda laga qaadey

Image
Kiiskan is-dabamarinta ah ayaa waxaa uu galaafan karaan mashaariic kale oo horumarineed.

GAROWE, Puntland - Mashruuca kor-u-qaadida nolosha dadkii ay saamaysay duufaantii ku dhufatay Eyl ee PAWAN ayaa waxaa qorshuhu ahaa in kor loo soo qaado nolosha dadka.

Waxyaabaha uu mashruuca beegsanayay waxaa kamid noqotay in kalluumeysatada reer Eyl loo iibiyo doonyo casri ah oo ay kusoo kalluumaystaan si kor loogu qaado wax soo saarka kalluumeysatada Puntland gaar ahaan reer Eyl.

Wasaarada kalluumeysiga Puntland oo taageero ka helaysa Hay'adda FAO waxaa ay u qaybiyeen 100 qof oo 10 qof oo kasta ay wadaagayaan hal doon dadkaas oo ah dadkii loogu talagay inay maamulaan laashashkaas oo ah kuwo ay ku deeqday Hay’adda FAO.

Muddo kadib ayaa waxaa la geeyay doonyihii iyadoo dadkii lahaa lagu wareejiyay, wasaaraduna ay ka saxiixday waraaqdii ogolaanshaha. Sidoo kale, mulkiilayaasha ayaa markii lagu wareejiyay laashashka ay dadkii waxay la soo aadeen Boosaaso si ay qalabaystaan qaarkood ugaga badashaan matoorka oo ah mid yar.

Markii ay Boosaaso doonyuhu, iyadoo aan ay wataan dadkii masuulka ka ahaa ayaa laga shakiyay in la rabo in la iibiyo ka bacdina waa waxaa wasaaraddu ku samaysay Xanibaad iyaga oo la dul dhigay ilaalo.

Wararka Garowe Online ay heshay ayaa waxay sheegayaan in haatan dib loo fasaxay doonyahaas kadib markii uu tagay Boosaaso wasiirka kalluumeysiga Puntland Rashiid Maxamuud Yuusuf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dowladda Puntland ku bogaadiyay Guushka Dagaalka Daacish

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta.

  • Puntland

    20-09-2025

  • 02:38PM

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM