Fadhi baarlammaanka Puntland maanta yeelan lahaa oo baaqdey

Image

July 21, 2015 (GO)- Maanta oo Talaado ah waxaa baaqdey fadhi ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlammaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhigoodii 35aad, balse muddo asbuuc ah fasax ahaa sababo la xiriira ayaamaha Ciidka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire  oo hadal kooban siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in maanta uu baaqday kalfahdigii Baarlamaanka oo uu sheegay in maanta lagu balansanaa.

Siciid Xasan ayaa xusay in 37 xubnood soo xaadireen, sidaas darteedna fadhigii baarlammaanka ee maanta uu baaqdey.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinta berri uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga caadiga ah ee golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM